Ugaaska Beesha Murusade & ergo uu horkacayo oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Wafdi uu horkacayo Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo saaka ka dhoofay Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ugaaska ayaa hogaaminaya ergada beesha Murusade uga qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay qaban-qaabadiisa wado Dowlada Somalia.

Masuuliyiin ka ka tirsan Maamulka Galmudug iyo waxgarad kala duwan ayaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Magaalada Dhuusamareeb.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee isaga iyo ergada la socota loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb, isagoo xusay iney dhuusamareeb u tageen sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirka dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta Galmudug oo halkaas ka furmaya dhowaan.

“Aniga iyo ergada ila socota waxaan balan-qaadeynaa inaan kaalinteena ka qaadan doono nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo sidii maamul mideysan loogu sameyn lagaa Galmudug, anagoo la kaashaneyna walaalaheena kale ee nala degan degaanada Galmudug” ayuu yiri Ugaas C/llaahi oo rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaas.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maanta lagu waday inuu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ayaa markii labaad dib u dhacay sababo la xiriira ergooyinkii ka qeyb geli lahaa intooda badan aan weli soo gaarin madasha shirka, iyadoo guddiga qaban-qaabada shirka aysan weli muddo kale u qabanin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -