Xisbiyada Taageeray Axmed Madoobe, Ma Ogolaan Doonaan In Hoggaanka Dalku Uu  2020/1 u Dhaqmo Sida Axmed Madoobe?

Dhowr xisbi oo si kumeel gaar ah uga diiwaan gashan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa hab-dhaqanka Axmed Madoobe ee doorashooyinka Jubaland waxa ay ku taageereen warqado u muuqda in hal qof uu soo wada qoray hase yeeshee loogooyinka loo kala bedelay.

Dhammaan xisbiyadu waxa ay ku taliyeen in aan la fara gelin, marna sooma hadal qaadin in reer Jubaland ay xaq u leeyihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo dhammaan reer Jubaland ay u simanyihiin taas oo aan ku saleyneyn cabsi gelin iyo ku shubasho toona

Xisbiyada iyo aragtida Mideysan

Sida caadiga ah dhammaan dalka dowladahoodu ku dhisanyihiin hannaanka dimuquraadiga ah waxaa ka jira axsaab mucaarad ah oo doonaya in ay xukunka kala wareegaan xisbiga talada haya, hase yeeshee xisbiyadu kama mideysna aragtida oo xisbi waliba aragti gaar ah ayuu leeyahay marka laga tago qarannimada iyo ilaalinta danaha qaranka.

Taa bedelkeeda, dalkeenna waxaa ka jira xisbiyo si kumeel gaar ah loogu diiwaan geliyay in ay isu diyaariyaan xisbinnimo, si ugu dambeyn dalku u yeesho xisbiyo rasmi ah oo kooban, waxaana inta badan xisbiyada ay hoggaamiyaan mas’uuiyiintii dalka madaxda kasoo noqotay iyo kuwa xildhibaanno iyo wasiirro soo noqday ay billaabeen qorsha u ek “Dab Damis” am aka “faalloosho ficilladda dowladda iyo taageeda cid kasta oo ay aaminsanyihin in ay dowladda iyo qarannimada carqalad ku tahay”.

Doorashada Qasabka ah iyo Axmed Madoobe

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Hoggaamiyaha todobada sano xukumayay Maamulka Juballand ee sida kumeel gaarka ah ugu shaqeeya Kismaayo, waxa uu wadaa qorsha uu mar kale isku doonayo iyada oo la aaminsanyahay in dowladda Kenya ay gadaal ka riixeyso, si ay culeeska ugu badiso dowladda federaalka Soomaaliya

Axmed Madoobe oo ka dhega fureystay baaqyada kaga imaanaya beesha caalamka, dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta iyo bulshada reer Jubaland ayaa ugu dambeyn sameystay baarlamaan uu gacantiisa kusoo xushay oo u badan ciidankiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa, danta ugu wayn ee sidaas u sameynaya ay tahay in mar kale uu is doorto.

Siyaasiyiinta Isbedel Doonka Ah Iyo Xuliska Baarlamaan Labaad

Kismaayo waxaa ku sugan siyaasiyiin ka biya diiday hab-dhaqanka Axmed Madoobe ee doorashada (Qaarkood waa raggii garbaha u ahaa Axmed Madoobe, xoog ayeyna ku leeyihiin magaalada), waxa ay ku dhawaaqeen guddi doorasho oo soo xulay xildhibaanno, waxa ayna qorsheynayaan in ay doorsho kale qabtaan.

Kismaayo iyo Filashada Labo Madaxweyne

Hadii aan wax is bedelin, saasaantu waxa ay muujineysaa in Axmed Madoobe  uu doonayo wax kasta haku qaadatee in mar sedaxaad loogu yeero Madaxweyne, sidoo kale siyaasiyiinta kale ee ay ku wada suganyihiin magaala xeebeedka xaafaha isu muuqda ka kooban ayaa dooran doona madaxweyne labaad, arrintaas oo dabka shidan shidaal kusii dari doonta.

Qorshaha Dowladda Federaalka ee Doorashada Jubaland

Dowladda federaalka horay ayey u caddeysay in aysan aqbali doonin natiija kasta oo baal-marsan dastuurka ee ku saabsan doorashada Jubaland.

Xisbiyada Axmed Madoobe Taageeray iyo aragtidooda Doorashada 2020/1

Dhammaan xisbiyada Axmed Madoobe ku taageeray kaliya in uu diidanyahay ku dhaqanka dastuurka dalka u yaalla, waxa ay si joogta ah dowladda ugu eedeeyaan in aysan diyaar u aheyn doorashada 2020/1 ayna suuragal tahay in laga shaqeyn sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Mar kasta waxa ay ku celiyaan in ay doonayaan in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dadku codeeyaan, maantana waxa ay si taas ka duwan Axmed Madoobe ugu sacabbo tumayaan “isdoorashadiisa”

Mahatma Gandhi ayaa horay u yiri, “ adigu noqo isbedelka aad dooneysid in aad dunida ku aragto”

Hadii xisbiyadu ay leeyihiin aragti fog oo ku qotonta dhismaha dowladnimada dalka iyo hagaajinta mustaqbalka Soomaaliyeed, ayna doonayaan in ay xukumaan Soomaaliya xasiloon oo isku dhinac u jeeda waxa ay aheyd in diidaan waxa ka socda Kismaayo ayna ugu baaqaan Axmed Madoobe in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo dhammaan reer Jubaland raalli isaga yihiin maadaama Julanad aysan aheyn hanti Axmed Madoobe u gaar ah.

Su’aasha uu is waydiinayo qof waliba oo Soomaali ah, xog ogaal ah lana socda siyaasadda dalka, ayaa ah xisbiyada taageeray in Jubaland ay ka dhacdo doorasho aan loo sinneyn, baal marsan dastuurka hal qofna u daneyneysa, sidee bulshada Soomaaliyeed ugu qanci karaan in ay ka shaqeynayaan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ay ka dhacaan doorasho loo simanyahay?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -