Dowlad layaab ku noqotay Maxaabiis kasoo jeeda Galmudug uu cafiyay Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan cafis Madaxweyne u fidiyay 19-maxbuus oo loo heestay burcad badeednimo, maxaabiistan ayaana xabsi ku jiray mudo 9-sano ah.

Dowlada Seychelles ayaa horey xukuno adag oo xabsi ah ugu riday maxaabiistan oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana maxaabiistan loo soo wareejiyay xabsi kuyaala  Somaliland oo ay ku xirnaayeen mudooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Biixi ayaa cafis kadib maxaabiistan ku wareejiyay Odayaal kasoo jeeda Galmudug , waxaana maxaabiistan oo shalay kasoo duulay magaalada Hargeysa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Seychelles ayaa lagu cambaareeyay talaabada uu Madaxweynaha maamulka Somaliland ku cafiyay kuna sii daayay maxabaiista ay horey xabsiyo dhaadheer ugu xukuntay Maxkamad kutaala Seychelles.

Wasaarada ayaa sheegtay in layaab ku noqotay in la cafiyay lana sii daayay Maxaabiistan , waxaana qoraalka Wasaarada lagu sheegay in maxaabiistan loogu xukumay xabsiyo u dhaxeeya 30 ilaa 42-sano balse hada xirnaayeen 9-sano oo kaliya.

Maxaabiistan burcad badeednimada loo heestay ee la cafiyay ayaa horey looga soo wareejiyay xabsiyo kuyaala dalka Seychelles si mudada xabsiga uga harsan ugu dhameestaan gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -