Danjire Cali Cagabaruur oo la dardaarmay ciidamo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Cali Cagabaruur ayaa ka qayb galay Munaasabad tababar loogu soo xirayey ciidamo Soomaali ah oo muddo sanad iyo todoba bilood ah tababar Layli sarkaal ah ku qaadanayey dalka Uganda.

Waxaa goob-joog ka ahaa munaasabadan Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni iyo saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo uu ka mid ahaa isu duwaha Tababarada iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha Bashiir Axmed Maxamed  iyo Abaanduulaha ku xigeenka Ciidanka Lugta ee Dowladda Soomaaliya Gen. Cabdirashid Cabdullaahi Shire

Xafladaas oo ahayd mid heer sare ah oo ka dhacday xarunta ciidanka ku tababaranayeen ayaa waxay soo bandhigeen dhoolatus qurux badan oo ay ku muujinayeen wixii ay soo barteen.

Sii-hayaha Safaaradda Cali Cagabaruur ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka tababarka loo soo xirayt

“Waxaan halkan uga hambalyeenayaa, dhalinyaradii maanta halkan loogu soo gebagebeeyey tababarka socday muddada sanadka iyo todobada bilood, runtii waa la qaybsanaynaa farxadooda waxaana leenahay hambalyo” ayuu yiri sii hayaha.

Madaxweynaha dalkan Uganda Yoweri Museveni  oo si gaar ah ugu hambalyeeyay ciidanka Soomaalida ah ee tababarka u soo dhamaaday ayaa si gaara ugu mahadnaqay Soomaalida isagoo adeegsanaya Afkeena hooyo ee  Soomaaliga ah ayuuna ku yiri  MAHADSANIDIIN

Sidoo kale Siihayaha ayaa ka sagootiyay cutubyada ciidan ee tababarka dalka Uganda ugu dhamaaday ee ku laabtay dalkeenii hooyo, garoonka dayuuradaha Entebbe, isagoo kula dardaarmay iney dalkooda iyo dad kooda ku difaacaan tababarka milateri ee ay qaateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -