Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Masaajid kuyaala magaalada Bama

Qarax ismiidaamin ah ay fuliyeen labo qof oo waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xiray ayaa lagu weeraray Masaajid kuyaala magaalada Bama gobolka Borno ee dalka Nageria.

Wiil iyo gabar waxyaabaha qarxa jirkooda kusoo xiray ayaa la sheegay in ay isku dhax qarxiyeen Masjid kuyaala magaalada Bama, waxaana qarxaaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay afar qof halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacyada qaba qaarkood lasoo sheegayaa in xaaladooda ay culus tahay.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay masjidka kuyaala magaalada Bama, waxaana qaraxyada nuucaan ah looga bartay kooxda Boka Haram ee dagaalka kula jirta dowlada Nageria.

Dalka Nageria waxaa ka dhaca qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale ay fuliyaan dagaalyahanada Boka Haram, waxaana mararka qaar kooxdaasi ay qarxisaa masaajida iyo goobaha waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -