Xildhibaan Mahad Salaad oo Su’aalo cusub ka keenay qaraxii xarunta Gobolka banaadir

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo badan ka keenay qaabka uu u dhacay qaraxii lagu weeraray xarunta G/banadir ee magaalada Muqdisho, wuxuuna farta ku fiiqay xaaladda ku wareegsan qaraxa iyo sida aanu weli uga hadlin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal dheer oo u soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku faahfaahiyay sida loo ilaaliyo xarunta Maamulka G/Banaadir iyo tuhunka ka jira ciddii ka dambeysay qaraxan, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay sidatan.

MASIIBADII SHALAY KA DHACDAY GOBOLKA BANAADIR AL-SHABAAB SHIRKO AYAA LAGULA AHAA WAAN LA SHEEGAYNE!

Shalay waxaa ka dhacay Gobolka Banaadir masiibo qaran. Waxaa ku dhintay ku dhawaad dhowr iyo toban qofood oo iskugu jiray Gudoomiyeyaal degmo, Agaasimeyaal Gobolka Banaadir iyo dhalinyaro amni ahaan ula socday Gudoomiyeyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee meesha joogay. Waxaa dhaawac halis ah soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Eng Cabdirahman Yariisow, Gudoomiyeyaal degmo iyo Agaasimeyaal.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay magacyada sadex Gudoomiye degmo, afar agaasime, la taliye iyo xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga oo dhamaantood weerarkaas ku dhintay. Waxayna kala yihiin:

1. Mahad Cilmi Cali (Gudoomiyaha degmada Waaberi).

2. Sahra Xaaji Markiizi (Gudoomiyaha degmada Shangaani).

3. Sabaax Cabdullaahi Asad (Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis).

4. Xasan Maxamed Sabriye (La taliyaha dhinaca sharcigada Gobolka).

5. Cabdi Daahir Diirye (Xiriiriyaha Gobolka iyo Hay’adaha Caalamiga).

6. Eng Shuuriye (Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Injineeriyada Gobolka).

7. Cabdifitaax Cumar Xalane (Agaasimaha Waaxda Nadaafada Gobolka).

8. Cabdullahi Dheere (Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka).

9. Basiira Cabdi Maxamed (Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka).

10. Dhalinyaro iyo xoghayeyaal la socday Gudoomiyaha Gobolka.

Dhanka amniga xarunta Gobolka Banaadir marka aan qiimeyno, waxaa loo ogolyahay in baaritaan la’aan iyaga iyo gaadiidkooda ay soo galaan Gudoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenadiisa. Gudoomiyeyaalka degmooyinka iyo agaasimeyaalkana baabuurta banaanka ayaa looga soo reebaa AFAR BAROOD oo kala duwan ayaana lagu soo baaraa, markaas kadib ayayna soo geli karaan gudaha hoolka shirarka ee shalay lagu qarxiyay.

Masiibadii shalay dhacday ilaa hada majirto qof loo soo qabtay, qof isku casilay iyo qof xilka looga qaaday midna, marka laga reebo sheeko suuqa lasoo geliyay oo la leeyahay qofka isqarxiyay waa gabadha Agaasimaha Waaxda Naafada Gobolka Banaadir. Lkn waxaa isweydiin mudan meel amnigeeda sidaas loo adkeeyay oo kuwii lixaadka qabay ay ku adagtahay in ay soo maraan sidee qof indha la’ ugu suuragashay in uu qarax keeno. Sidoo kale gabadhaan mudo dhowr sano ah ah ayay joogtay gobolka, waxayna goob joog u ahayd munaasabado kuwaan ka waaweyn oo madaxda dalka ugu saraysa iyo kuwa ajnabi ahba ay joogeen laguna qabtay xarunta gobolka, marka maxay isugu qarxin waysay?!

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo shalay hadlay qaraxa kadib wuxuu sheegay in lix qofood ku dhinteen weerarkaas. Sida tirada dhimashada looga been sheegayo ayaadna ka garan kartaa in la rabo in la qariyo masiibada meeshaas ka dhacday iyo malaha cidii soo maleegtay sirqoolkaas lagu xasuuqay dhalinyaradii laf dhabarta u ahaa mustaqbalka dalkaan!

Waxaa intaas kasii daran, masiibada intaas la’eg ee dhacday ilaa hada Madaxweynaha Soomaaliya kama hadlin, umana tacsiyeyn eheladii dadkaasi ay ka dhinteen. Janaasadoodii maanta kama qayb gelin. Sidii caadada ahaan jirtayna dadkii weerarkaas argagixiso ku shahiiday Salaadii Janaasada lagulama tukan masjidka madaxtooyada.

Haddaba, miyaan la dhihi karin mas’uuliyada Al-Shabaab waa lala wadaaga waan la sheegayne!

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad

- Advertisement -