Allbanaadir.com
NEWS

Askari ka tirsan ciidanka Imaaraadku tababaray oo qof shacab ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa ay tababartay dowlada Imaaraadka ee degan Ex-Kuliyadii Jaalle Siyaad ayaa maanta duhurkii qof shacab ah ku dilay agagaarka xaruntooda oo ku taalla afaafka hore ee degmada dayniile wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa isku dayay inuu baxsado laakiin ciidamadii uu ka tirsanaa ayaa gacanta ku dhigay waxaana isaga iyo meydka qofkii uu dilay lagu wareejiyey Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in dilkan uu dhacay ka dib markii gaari bus ah oo rakaab siday uu joogsaday afaafka hore ee Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo xarun u ah ciidanka uu ka tirsanaa askarigan dilka geystay oo rasaas uu furay ay qabsatay qof shacab ah oo halkaas ka dhawaa.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan oo an aheyn tii ugu horeysay nooceeda ee ka dhacda magaalada Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho ka dhacday Paris & Booliska France oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ilaalo Madaxweyne oo soo riday Diyaarad kor kala socotay xayiraada shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---