Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii xooganaa ee goordhaw ka dhacay Muqdisho

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray goordhaweyd koontarool ciidamada amaanka ku sugnaayeen oo kuyaala agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaarigan uu ku qarxay koontaroolka laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde sidoo kale lagu baaro gaadiidka doonaya in ay u gudbaan dhinaca garoonka Aadan Cadde.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen gaadiid badan oo saf ku jiray iyo sidoo kale waxaa goobtaasi ku sugnaa dad goobo ganacsi ku lahaa  iyo kuwa kale oo jidkaasi marayay.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxa ciidamada amaanka iyo dad kale oo shacab ah, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada amaanka oo halkaasi howlgalo kawada.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay, walina si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw ka dhacay Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland oo dhisay Wasaarad ku cusub maamulkiisa (Akhriso)

Cabdi Cade

Duqa cusub ee Muqdisho oo maanta tagay xarunta gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

War Murityeed laga oo saaray Shir usoo dhamaaday Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---