Mid ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada oo beri ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa iney beri booqasho ku tagaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Waare oo hadda ku sugan Magaalada Beled-weyne ayaa la soo sheegayaa inuu socdaalkiisu yimid ka dib markii la xaliyey khilaaf adag oo ka dhashay xilka ka qaadistii uu ku sameeyey Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo diidmo ka dib ugu dambeyn shalay xilka wareejiyey.

Socdaalka Waare ku tagayo Dhuusamareeb ayaa waxaa xaqiijiyey masuuliyiin ku dhow dowlada Somalia oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga ujeedada safarkiisa balse waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay magaalada Dhuusamareeb ku sugan yihiin Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo uu ka mid yahay raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre iyo xubno kale.

Waare oo horey xulafo ula ahaa dowlada Somalia ayaa noqonaya Madaxweynihii horeeyey dowlad goboleedyada ka jira ee booqda Dhuusamareeb tan iyo intii dowladu siyaasad ahaan kala geysay Madaxweyne Xaaf iyo maamulkii ahlu sunna ee ka jiray Dhuusamareeb dhowr todobaad ka hor si loo dhiso Galmudug Mideysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -