Guddoonada labada Aqal ee Baarlamanka oo Saddex qodob ku heshiiyey (Sawiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay kulan socday muddo saacado ku dhow ku yeeshay Magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey)’ iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Mudane Abshir Axmed Maxamed (Abshhir Bukhaari).

Guddoomiyaasha labada aqal oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasha ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa isla markaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaamaa dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo isla markaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay sadex qodob oo kala ah, horumarinta iyo dardar gelinta wada shaqeynta labada dhinac, in la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -