Burcad hubeesan oo maanta lagu wareejiyay Maxkamada Ciidamada (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lagu wareejiyay koox burcad hubeesan ah oo dadka ku dhici jirtay qeybo kamid ah degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burcadan oo lala qabtay hubkooda ku wareejisay xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida si dadkaasi loo soo taago Maxkamada ciidamada .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in lix nin oo loo soo qabtay iyaga oo dadka dhac u geesanayay lagu wareejiyay xeer ilaalinta si dadkaasi maxkamada ciidamada loo saaro.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu bilowday howlgal lagu beegsanayo burcada shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geesta, waxa uuna uga digay Odayaasha in ay saldhigyada uga daba yimaadaan burcadan marka lasoo xiro.

Burcadan lagu wareejiyay xeer ilaalinta ayaa lasoo bandhigay qoryihii ay dadka ku dhici jireen, waxaana burcadan lasoo qabtay iyaga oo ku howlan dhac iyo in ay baad ka qaadaan dadka guryaha ka dhisanaya degmada Dharkeenley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -