Akhriso Sheekada Kabihii Layaabka lahaa ee Al Taamburi !!

Sheekadaan waxay ka dhacdey Saben hore Dalka Iiiraan oo xiligaa Xukumayey Boqor hase yeeshee nin la yirhaado AlTaamburi oo muddo 70 Sano watey Kabo oo marka ay ka sii dhamaanayaan Jaan sii saari jirey  , waxayna kabihii  ay Noqdeen kuwa aad u Culus  oo Masaabiir fara badan ka taagan tahay

Dadweynihii ayaa ka soo Cowdey ka dib markii Dad fara badan ay waxyeelo ka soo gaartey waxaana Aakhirkii AlTaamburi lagu Amrey in uu Fogooye Kabaha, waxaana uu ku duugey wado Jid Cade ah oo Gawaaridu marto , waxaa soo marey Gaari Bas ah, waxaana Gaari ka dilaacey Lugtii , markii Meeshii la qodey waaba kabihii AlTaamburi waxaana la geeyey Xarun Boolis

Mar kale ayaa la amrey in uu Fogeeyo waxaana uu ku duugey Duleedka Magaalada, waxaana Dhacdey in Magaaladii ay Biyo la,aan ku dhacdey waxaa La amrey Injineerada Biyaha in ay Cilad Bixiyaan waxa Sababay Biyo la,aanta waxay u baxeen Duleedka iyagoo Fiir fiirinaya Tubooyinka Biyaha ayaa waxaa mid ka mid ah Tubooyinka loogu tagey Kabihii Altaamburi,waa la soo qaadey waxaa la keeney Xarun Boolis

Waxaa mar kale la amrey in Altaamburi Kabaha uu Fogeeyo ,waxaa uu u soo qaatey Kabahii  Gurigiisa waxaa ku ag yaaley Wabi,  Habeen barkii buu soo kacay markaasuu yiri Hadii aad Kabaha Dariishadaan ka tuurto oo  webiga ku rido yaaba arkii doona hase yeeshee Niman Kaluumeysto ah Shabaag u tiiley ayaa Shabaqii ka dareemey  Culeys waxay u qaateen in uu ugu dhacey Kaluun waxay soo jiidaan markii ay Banaanka keeneen oo ay sidaa u Fiiriyeen waaba kabihii Altaamburi

Waxay  geeyeen Saldhigii Booliis waxaa loo yeerey Al Taamburi waxaa la siiyey Fursad kale oo uu Kabaha ku Fogeeyo, isagoo Caga jiidaya Kabahana habaaraya ayaa waxaa uu Go,aansadey Markaan in uu Kabaha uu ku duugo Meel Xeeb ah, markii uu xeebtii ka soo dhaqaaqey Maxaa Dhacay in maalin ka mid ah Maalmaha  uu  Boqorkii u soo Dabaal tegey Xeebtii isagoo kubad ku Cayaaraya ayaa waxaa mudey Musbaar halkii buu ku Cabaadey , markii Goobtii la qodey waxaa loogu tagey Kabihii AlTaamburi.

Altaamburi Isagoo Guriga iska jiifa ayaa Ciidamo u yimaadeen waa isku Naxay waxaa loo geeyey Boqorkii  oo Lugta ka dhaawaca ah inta Madaxa Foorariyey isagoo Gariirayaa ayaa Boqorkii  ku yiri “Sow kuwan ma aha Kabahaadii “ Markaasuu yiri “Haa” inta aayar u Gurguurey ayuu Boqorkii Jilbaha qabsadey waxaana loo  dalbey Kabo Cusub waxaana lagu yiri mar dambe Kabahaan kuma Dhibi doonaan aniga ayaa kaala Wareegey” Isagoo faraxsan ayuu Qasrigi ka soo dhaqaaqey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -