Ra’isul Wasaare Youssef Chahed oo Xafiisyada dowlada ka mamnuucay Indho Shareerka

Ra’iisal Wasaaraha Tunisiya Youssef Chahed, ayaa soo saaray amar xafiisyada kala duwan ee dowlada looga mamnuucayo in haweenka ka shaqeeya ama kuwa tagaya ay xirtaan Niqaab ama Indho shareer.

Amarkan cusub ee kasoo baxay Ra’isul Wasaaraha dalka Tunisiya ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Tunis ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah.

Kooxaha Xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dhaleeceeyay amarkan kasoo baxay Xukuumada Tunisiya waxa ayna ugu baaqeen dowlada in amarka laga dhigo mid KMG ah oo waqti kooban soconaya.

Hogaamiyihii hore ee dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa horey xafiisyada dowlada uga mamnuucay in lagu dhax xirto Indho shareerka, amarkaasi ayaana meesha ka baxay markii xilka laga tuuray Ben Ali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -