Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq gaarsiiyay isbitaalka Dhimirka Dr Xabeeb (Sawirro)

Madaxda hay’ada Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ayaa ugu horeyn kormeer ku sameeyay qeybaha uu ka koobanyahay xarunta dhexe ee Dr Xabeeb halkaasi oo ay kula kulmeen dad aad ufara badan oo isugu jira rag iyo dumar laxanuunsanaya xanuunada dhimirka.

Intaa kadib madaxa hay’ada hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cismaan ayaa ku wareejiyay maamulka isbitaalka dhimirka Dr Xabeeb deeq kakooban raashiin oo ka koobneed Bur, Bariis, Sokor, Saliidiyo Timir.

Madaxa hay’ada Hormuud Foundation Cabdulahi Nuur Cismaan oo deeqda kuwareejiyay maamulka isbitaalka dhimirka ee dr xabeeb ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay deeqaha ay ugu tala galeen dadka dhibanayaasha ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan islamarkaana ay sii wadi doonaan tagayarada ay siinayaan dadka tabaaleysan

Madaxa isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb Cali Maxamed Xasan oo deeqda guddoomay ayaa kaga mahad celiyay salaam Somali bank iyo hay’ada hormuud foundation kaalinta ay ka qaadanayaan ugargaarida dadka dhimirka looga jiro islamarkaana waxa uu tilmaamay in  deeqda ay kusoo aaday xili ay aad ugu baahnaayeen

Sidoo kale Madaxa arimaha bulshada xafiiska Ra’iisul Wasaaraga Maryan Aadan Amiin oo hadal kooban ka jeedisay goobta ayaa uga mahad celisay Hormuud Foundation iyo bankiga Salaam Bank sida ay ula socdaan baahiyaha dadka xanuunsan oo dhimirka looga jiro.

Hay’ada Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ayaa dardar galinaya barnaamijka taakuleynta dadka tabaaleysan ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoo iska kaashanaya caawinaada dadka ubaahan in lacaawiyo waxaana ugu dambeen madaxa hay’ada hormuud foundation uu baaq dheer ugu diray dadka soomaaliyeen in ay gacan kageystaan wax uqabashada walaalohooda tabaaleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -