Xaaf oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho, lana kulmay Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Somalia oo uu ka maqnaa muddo sanad ka badan.

Soo dhaweynta Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya oo ay horkaceysay wasiirada dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xaaf ayaa waxaa loo qaaday xarunta Madaxtooyada Somalia halkaasoo uu kulan kula leeyahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii la xaliyey Khilaafkii mudada sanadka ka badan ka dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug markii booqasho uu gobolka Galgaduud ku tegay Raisul wasaare Khayre oo weli halkaas ku sugan.

Xaaf ayaa caawa madaxda dowlada kala qeyb galaya munaasabada xuska maalinta xoriyada gobolada koonfureed iyo israacii labada gobol oo lagu qabanayo xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -