Qur’aanka Kariimka oo markii ugu horeesay lagu turjumay Luqadda Igbo (Sawirro)

Luqadda Igbo oo looga hadlo qeybo badan oo kamid ah dalka Nageria ayaa markii ugu horeesay lagu turjumay kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxa ayna tani fursad u siineysaa in dad badan oo luqadan ku hadlo in ay fahmaan fasirka Qur’aanka.

Munaasabad weyn oo lagu qabtay masjidka Ansaaru Diin ee ku yaalla magaalada Abuja ee caasimadda dalka Nigeria ayaa lagu soo bandhigay kitaabkan lagu turjumay luqadda Igbo ee looga hadlo Nageria .

Kitaabkan waxaa turjumay Maxamed Murtala Chukwuemeka, oo diinta Islaamka soo galay sannadkii 1989, waxa uuna ninkan hadda yahay waddaad caan ka ah dalka Nageria ayna ku xiran yihiin dad badan.

Sheekh Maxamed Murtala , ayaa sheegay in turjumida kitaabka Qur’aanka ee luqadda Igbo ku qaadatay muddo shan sanno ah, waxa uuna xusay in micnaha Qur’aanka hadda kadib u fududaaneyso in ay fahmaan dad badan Muslim ah iyo kuwa Krishtaan ah.

Luuqadda Igbo ee hadda lagu turjumay kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa looga hadlaa koonfur bari dalka Nigeria, waxaana koonfurta Nageria u badan dadka Krishtaanka ah halka Waqooyiga Nageria iyana ku badan yihiin Muslimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -