Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ninkii ka Dambeeyay Afgembigii fashilmay ee Ismaamulka Amxaarada Itoobiya oo la dilay

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dalkaasi ay dileen sargaalkii ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee sabtidii  ka dhacay xarunta ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Janaraal Asamnew Tsige ayaa la rumeesan yahay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay afgembiga fashilmay ee lagu dilay Madaxweynihii dowlad goboleedka Amxaarada iyo taliyihii ugu sareeyay ciidamada Difaaca Itoobiya.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa ku warameysa in sargaalkan lagu dilay goob aan ka fogeyn meeshii sabtidii uu ka dhacay weerarka lagu dilay Madaxweynaha maamulka Amxaarada iyo saraakiil kale oo badan.

Janaraalka la dilay ee ka dambeeyay afgembiga fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada ayaa sanadkii hore laga soo daayay xabsi uu ku xirnaa mudo 9-sano ah kadib cafis ay dowlada u fidisay.

Sargaalkan ayaa horey dowladii hore u xirtay kadib markii lagu tuhmay in uu maleegayay afgembi, waxaana hada gobolka Amxaarada ka socda baadi goobka xubno kale oo ku lug lahaa afgembiga fashilmay ee lagu dilay madaxda kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo la kulmay Saraakiil tababar Milateri ku qaadanaya Doha (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo:-Muxuu Ra’iisul Wasaaraha ku soo arkay kormeerkii qeybaha kala duwanaa ee xarunta tababarka TurkSom !!

admin

Haweeney Baraha bulshada taageero ugu muujisay maamulka Somaliland oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---