Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSWORLD NEWS

Wasiiro loo heysto iney wadeen qorshe lagu qaarajinayo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya

Sida uu ku warramay wargeyska The Standard, Wasiir ka tirsan dowladda Kenya ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo ahaa inuu waday qorshe uu ku dili rabay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto.

Saddex wasiir oo uu ku jiray Wasiirka ganacsiga Kenya Peter Munya ayaa tegay xarunta dambi baarista oo looga yeeray si wax looga weydiiyo eedeymaha sheegaya inay u hanjabeen madaxweyne ku-xigeenka, waxaana ka mid ah eedeeymaha mas’uuliyintani loo heysto inay yeesheen kulan qarsoodi ah.

“Waxaan caddeynay inaysan jirin goob aan kulan qarsoodi ah ku yeelanay, oo ku saabsan arrintaas” ayuu yiri Munya.

Sababta ay dilka ugu maleegayeen wasiiradan la eedeeyey ayaa lagu sheegay  inay doonayeen inay hor istaagaan dadaalada Madaxweyne ku-xigeenka ku doonayo inuu u tartamo doorashada madaxweynaha ee dalkaas ka dhaceysa sanadka soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Biden oo ku guuleystay magacaabista musharraxa xisbiga Dimuqraadiga iyo Trump oo …

Cabdi Cade

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo ka hadlay Dagaalka ka socda Boosaaso

Cabdi Cade

Somaliland oo dhibsatay si kululna u cambaareesay Hadal kasoo yeeray James Swan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---