Xaaf oo ciidamo dhigay garoonka Dhuusamareeb & dayuuradii siday Wasiir Sabriye oo..(Sawirro)

Ciidamo fara badan oo ka tirsan Galmudug ayaa la dhigay garoonka dayuuradaha magaalada Dhuusamareeb oo ay ku wajahneyd diyaarad ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka ambabaxay Muqdisho.

Ciidamada milateri ah ayaa la dhigay Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, waxaana ay arrintan ka danbeysay markii wafdiga wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya ay ka duuleen magaalada Muqdisho, lana filayay inay ka degaan magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan ahlu sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in ciidamadan loogu talo galay iney ka hor tagan wafdiga Wasiirka arrimaha gudaha ee halkaas ku wajahnaa.

Wararka ayaa sheegaya in dayuurada ay la socdeen wafdiga wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye loo wareejiyey degmada Guriceel, markii uu soo baxay warka la xiriira ciidamada la dhigay garoonka magaalada Dhuusamareeb.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili maanta Maamulka Galmudug uu soo saaray amar ku socda shirkadaha dayuuradaha oo sheegaya in degaanada maamulkaas aysan keeni karin madax ka tirsan dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -