Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaaf oo Shaaciyay Cida ka dambeeysay dadkii lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya in ay ka dambeeyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ee lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay Xaaf in dadka lagu laayay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay ka dambeeyeen ciidamo katirsan Milatariga 21-aad ee ka amar qaata dowlada, waxa uuna xusay in ay xireen hal askari oo katirsan booliiska Galmudug oo falkaasi ku lug lahaa.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in siyaasad ka dambeesay dadkii lagu laayay magaalada Gaalkacyo, waxa uuna cadeeyay in aysan awoodin in ay soo xiraan ciidankaasi maadaama aysan ka amar qaadan.

“Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen” ayuu yiri Xaaf.

Dadkii dhawaan lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee kasoo jeeday Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa dilkooda lagu eedeeyay maleeshiyaad hubeesan oo deegaanka kasoo jeeda,hasa ahaatee Hadalka Xaaf ayaa u muuqda mid dowlada ku weeraro eeda dilkaasina dusha uga saarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo Qaali Max’uud Guhaad oo War cusub ka soo saartay Kiiska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali

Dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe oo lagu tilmaamay Al Shabaab oo kale

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo tagay Qabuuro bur burin lagu bilaabay Amar cusubna bixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade