Arday ka badan 110 oo ka qelin jebiyey Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir

Dufcadii 15aad oo ka kooban arday tiradoodu gaareyso 112 dhaqtar ayaa ka qelin jebiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir ka dib markii ay dhameysteen waxbarasho adag iyo halgan ay muddo lix sano ah ku soo jireen.

Munaasabad ay ardaydan aflaxday ku difaacanayeen buugga qelin jebinta (Thesis Defence) ayaa lagu qabtay Kambaska Dr. Ibrahim Caddow ee Jaamacadda Benadir oo ku yaalla magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo muddo socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca Caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada, xaafadaha Muqdisho iyo xeryaha Barakacayaasha.

Masuuliyiin iyo Macalimiin ka tirsan Jaamacadda Benaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa munaasabadaas goob joog ka ahaa.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo munaasabada ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardayda qelin jebisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhaqaatiir Qaliin iyo daweynba sameyn kara, isagoo xusay inay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta asaagood ah ee ka baxday Jaamacadaha caalamka maadaama buu yiri ay heystaan shahaado caalami ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada Jaamacada Banaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in 112 dhaqtar ay ka qelin jebiyeen Kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir daweyn iyo qaliinba sameyn kara” ayuu yiri Dr. Tahliil.

Waxaa Munaasabada ka tiriyey magacyada 10-ka arday ee ugu sareysay dufcada 15aad, waxaana kaalinta koowaad galay Drs. Sowda Faisal Axmed, iyadoo kaalinta labaadna uu galay Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Faarax, halka kaalinta 3aadna uu soo buuxiyay Dr. C/naasir C/llaahi Cumar.

Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa isna sheegay inuu farxada iyo hambalyada la wadaagayo ardayda ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka, wuxuuna kula dardaarmay iney dedaalkooda sii wadaan isagoo u mahad celiyey masuuliyiinta iyo Macalimiinta Jaamacadda ee heerkan soo gaarsiiyey.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay, wuxuuna sheegay in marka lagu daro dhaqaatirta qalin jebisay ay Jaamacadda Banaadir soo saartay ku dhowaad 1,500 oo  dhakhtar, taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda, ayna tahay calaamad muujineysa kaalinta hormuudnimo ee ay kaga jirto horumarinta Caafimaadka dalka.

“Waxaan farxada la wadaagayaa dufcadii 15aad ee soo dhameysata Kuliyadda dhaqtarnimada ee Jaamacada Benaadir ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Biday.

Waxa uu intaas ku daray gudoomiyuhu in Jaamacada Benaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray awgeed, wuxuuna xusay in Jaamacadu ay guul u tahay in 20 sano ka dib ay soo saartay ku dhowaad 1,500 oo dhaqtar, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Sen. Prof. Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee dalka oo sheegay in ardayda ka qelin jebisay Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ay yihiin kuwo nasiibku saaciday maadaama kuliyadaas ay ku kulmeen macalimiintii ugu badneyd ee ka soo baxay Jaamacaddii hore ee Ummadda.

“Waxaan idinkugu hambalyeynayaa dedaalka aad muujiseen mudadii lixda sano aheyd ee aad waxbarashada soo wadeen, waxaana la idinkaga baahan yahay waxbarashadiina inaad sii wadataan, qeybta taqasuska ee Jaamacada Benadir-na waxaa diyaar idinkugu ah taqasusyo kala duwan” ayuu intaas ku daray Prof. Dufle oo sidoo kale ah madaxa qeybta Daraasaadka sare ee Jaamacada Benaadir (Master Degree).

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi farxadeed ayaa waxaa sidoo kale hadalo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey xubno ka tirsan Maamulka, Mu’asasada iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir, oo ay ka mid ahaayeen Prof. Maxamed Cali Fuje, Prof. Axmed Yuusuf Guuleed iyo qaar kale oo ardayda qelin jebiyay siiyey tilmaamo iyo tusaalooyin, una rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -