Cudurka Ebola oo dad ku dilay Mid ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia

Dalka Ugandha ayaa waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyey ee la xiriira cudurka halista ah ee Ebola oo si deg deg ah u faafa dhimasho deg deg ahna keena.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda caafimaadka dalka Uganda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegey in wiil yar oo shan jir ahaa uu maanta u dhintay cudurka Ebola, kaasoo maalmo ka hor laga helay cudurkaasi.

Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreyey ee dalkaasi laga helo, tan iyo markii dalka ay deriska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu ka dillaacay cudurka.

Dalka Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay Soomaaliya ka jooggaan ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah AMISOM, iyadoo hadii cudurkan halista ah uu ku faafo dalkaas ay saameyn adag ku yeelan doonto kumanaanka askari ee dalkaas ka jooga Somalia, waxaana sidoo kale cabsi ay soo wajahday boqolaal Soomaali ah oo ku nool dalka Ugandha.

Dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Siere-leone ayaa sanado ka hor kala baxay Somalia ciidamo ka joogay oo qeyb ka ahaa AMISOM, ka dib markii la waayey ciidamo bedela sababo la xiriira cudurka Ebola ee dalkaas ka jiray oo laga baqay iney Somalia keenaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -