Maxaa ka jira in rag Saraakiil ah ay ka dambeeyeen dilka G/Dhexe Cabdi Cali Seed?

Ehellada Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo meydkiisa laga helay Jimcihii isagoo ku geed ka laadlaada xerada Sheelare ee ciidamada Booliska ayaa sheegay in sarkaalka la dilay ee aysan jriin wararka sheegaya inuu is-dilay.

Odayaasha Beesha uu ka soo jeedo Sarkaalka ayaa saxaafadda u sheegay in marxuum Cabdi Cali Seed ay dilkiisa ku eedeeynayaan saraakiil ay shaaciyeen magacyadooda, waxayna ku doodeen in markii ugu war dambeysay ay u yeereen, kadibna la maqlay geeridiisa.

Eheladda sarkaalka geeriyooday ayaa sheegay in sarkaalka uu hore u sheegay inay dili rabaan taliyaha ciidanka daraawiishta iyo kan xerada daraawiishta ee Meydkiisa lagu dhex arkay, waxayna dalbadeen in baaritaan sax ah aan lagu sameynin meydkiisa, aysana jirin illaa hadda cid loo soo xiray.

Waxay odayaasha dalbadeen cadaalad iyo baaritaan dhab ah, iyagoo baaq u diray madaxda Dowladda Soomaaliya.

Taliska booliska Somalia ayaa horey u sheegay iney baaritaan ku sameynayaan dilka sarkaalkan iyo cida ka dambeysay ayna sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo ayt ku cadaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -