Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la wadaagay Catriona Laing Go’aankii ay ka gaareen DFS (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Kadddib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland.

Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha maamulka Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo laga dalbaday in la kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab

Caydiid Ali

Meydka nin ku dhacay War oo howlgal saacado badan qaatay kaddib lasoo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---