Aadan Barre oo Cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan Khilaafka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhax aloosan khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya muranka badda ee labada wadan u dhaxeeya , waxaana dacwada muranka badda ay ka furan tahay Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka(ICJ).

Aadan Barre Ducaale oo kamid ah Baarlamaanka Kenya sidoo kale ah ninka sedexaad ee ugu awooda badan dowlada Kenya ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in uu yahay Wadani Kenyan ah uuna marnaba raali ka noqon doonin taako biyaha Kenya kamid ah in ay qaadato Soomaaliya ama sidoo kale dal kale, waxa uuna ku baaqay muranka labada wadan in lagu xaliyo qaab diblumaasiyadeed.

“Nin Soomaali ah baan ahay laakiin waxaan ahay Soomaali reer Kenya ah, waxaan ahay waddani qeyb ka ah dowladda Kenya, mowqifkeyguna waa in dhulka ama badda ay Kenya leedahay uusan qof kale qaadan karin, ha ahaato Soomaaliya, Tanzania ama waddan kaleba”, ayuu yidhi Aaadan Ducaale.

Aadan Barre ayaa sheegay in xalka muranka labada wadan aysan ku fiicneyn in maxkamad la geeyo ama lagu kala baxo, waxa uuna ku taliyay in arintaasi si hoose loo xaliyo ayna kawada hadlaan labada dowladood.

“Maadaama annaga iyo walaalaheenna Soomaaliya uu naga dhaxeeyo xiriir dheer oo ah xagga dowladda iyo xagga shacabkaba, mar walba waxaan dhihi lahaa khilaafkaas waa in lagu xalliyo si wanaagsan, oo labada dowladoodna ay arrinta hoos u dhigaan, maxkamadaha iyo buuqa kalena waa laga fiican yahay, sababtoo ah Soomaalidu waxay dhahaan labada qof ee walaalaha ah khilaafkooda inuu dariska ogaado xitaa looma baahna”, ayuu yiri Aadan Barre.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiligan waxaa ka dhax aloosan khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya muranka badda ee labada wadan u dhaxeeya, waxa ayna Dowlada Kenya dooneysa in dacwada laga soo celiyo Maxkamada caalamiga laguna dhameeyo muranka wadahadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -