Qarax ka dhacay magaalo kutaala dalka Faransiiska (Daawo Sawirada)

Qarax khasaaro geestay ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, waxaana socdo howlgalo booliiska ku baadi goobayaan ruuxii ka dambeeyay qaraxan oo baxsaday.

Booliiska Faransiiska ayaa sheegaya in qaraxan oo bac lagu soo qariyay ruux baaskiil watay uu dhigay  wada Victor-Hugo ee magaalada Lyon, waxaana qaraxan ku dhaawacmay 13-qof oo ay ku jiraan caruur yar yar.

Ciidamada booliiska Faransiiska ayaa baadi goob xoogan ugu jira ruuxii ka dambeeyay qaraxan ka dhacay bartamaha magaalada Lyon la dhigay, waxa ayna booliiska baaritaano ku sameeyeen kaamirooyin ku xirnaa aaga uu qaraxu ka dhacay,

Wasiirka arimaha gudaha dalka Faransiiska ayaa cambaareeyay qaraxan ka dhacay magaalada Lyon, waxa uuna amar ku bixiyay Wasiirka in la xoojiyo amaanka goobaha muhiimka ah.

Dalka Faransiiska waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo aad u xoogan oo galaaftay nolosha dad aad u badan, waxaana qaraxyadaasi horey u sheegatay masuuliyadeeda kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -