Allbanaadir.com
NEWS

Suuq Casri ah oo laga dhisayo Degmada Dayniile oo la dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhagax dhigay Suuq Casri ah oo laga dhisayo degmada Dayniile, waxaana suuqan la filayaa in uu haqab tiro baahiyo badan ay horey u qabeen bulshada degmada Dayniile.

Suuqan cusub ee laga dhisayo Dayniile waxaa dhagax dhigay Gudoomiye kuxigeenka Howlaha guud ee gobolka Banaadir, waxaana munaasabada dhagax dhiga ku sugnaa masuuliyiin katirsan maamulka Degmada , waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Dhismaha suuqan casriga ah ee laga dhisayo degmada Dayniile oo qeybo kala duwan leh ayaa waxaa gacan ka geesanaya maamulka gobolka Banaadir, waxaana dhulka suuqan laga dhisayo bixiyay dad jecel horumarka degmada Dayniile.

Suuqan cusub ayaa laga dhisayaa agagaarka xarunta degmada Dayniile, waxaana dhismaha suuqan si weyn usoo dhaweeyay bulshada ku dhaqan degmada Dayniile oo baahiyo badan u qabay suuq ay degmado yeelato.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo fuliyay mid kamid ah Shuruudihii Musharaxiinta Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Rooble oo arimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Imaaraadka u jooga dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Sirdoonka Soomaaliya oo soo afjaray 20 koox oo dadka cabsiin iyo baad isugu dari jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---