Al-Shabaab oo shuruud ku xirtay sii deynta dhaqaatiir u dhalatay dalka Cuba

Al-Shabaab ayaa madax furasho ku dalbaday sii deenta dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba kuwaasoo ay bishii tagtay kasoo qafaasheen gudaha dalka Kenya Sida uu daabacay wargayska Kenya kasoo baxa ee Daily Nation.

Madaxa furashada ay dagaalamyaasha Al-Shabaab dalbadeen ayaa gaarayso 150 milyan oo shilinka Kenya sida ay sheegeen Ergo goor sii horeysay loo xil saaray wada xaajoodka Al-Shabaab ee lagu sii deynayo dhaqaatiirtan.

Odayaasha dhaqan ee wadahadalka loogu diray al-Shabaab ayaa ka baxay degmooyinka Mandera iyo Balad-Xaawo iyagoo gaaray degaano u dhaxeeya Bu’aale iyo Ceel-Cade halkaasoo ay kula kulmeen saraakiil ka tirsan al-Shabaab.

Odayaashan dhaqan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in labadan dhaqtar oo ka soo wada jeeda dalka Cuba ay haatan nool yihiin xaaladooda caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay.

Al-Shabaab ayaa soo qafaashay dhaqaatiirtan 12-kii bishii April ee ina dhaaftay iyagoona waqtigaasi sidoo kale dilay askari ilaala u ahaa dhaqaatiirtan, lamana oga in dowlada Kenya ay bixin doonto madax furashada lacageed ee ay dalbatay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -