Nin Bambaano ku tuuray bar ciidan oo goordhaw Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gacanta ku dhigay nin la sheegay in bambo gacmeed ku tuuray bar ciidanka booliiska ku sugnaayeen oo kutaala Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ninkan ay qabteen ciidamada booliiska uu bambaano ku tuuray waaxda Barwaaqo ee degmada Yaaqshiid, waxaana goobtaasi fariisimo ku lahaa ciidamo booliis ah.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada booliiska ay qabteen nin bambaano ku tuuray bar ay ciidanka ku leeyihiin Waaxda Barwaaqo.

“Fadhi ay ciidanka booliiska ku leeyihiin Waaxda Barwaaqo ee degmada Yaqshid ayaa bam gacmed lagu soo tuuray waana la qabtay dhagarqabaha bamka soo tuuray, Baaris ka dib waxaa la marsiinaa sharciga”ayay tiri Gen. Zakiya.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sidan oo kale dhawaan u qabtay nin bambaano ku tuuray bar ay ciidanka dowlada ku lahaayeen degmada Wardhiigley, waxa ayna dhacdadan imaaneysaa xili amaanka Muqdisho si weyn loo adkeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -