Allbanaadir.com
NEWS

Dil dad badan ka argagaxeen oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ee loogu tala galay in amaanka shacabka xaqiijiyaan ayaa goordhaw dil dad badan ka argagaxeen waxa uu u geestay wiil dhalinyaro ah oo darawal Mooto bajaaj ahaa.

Dilkan ayaa ka dhacay bar koontarool ay ciidanka booliiska ku leeyihiin Isgooska Tarabuunka, waxaana askariga la sheegay in muran yar kadib uu rasaas ku dhuftay darawalka Mooto bajaajta.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in mootada ay ku dhacday mid kamid ah caagaga baraha koontarool yaala , waxaana askariga dilka geestay uu ka carooday in mootada caagaaasi ku dhacdo, isagoona furaha mootada ka qaaday wadaha kadibna xabad ku dhiftay sida goob joogayaal xaqiijiyeen.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen askariga dilka geestay, halka warar kalana sheegayaan in uu goobta uu dilka ka geestay si deg deg ah uga baxsaday.

Dad badan oo ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa si weyn uga carooday dilkan argagaxa lahaa ee askariga u geestay ninka nolol maalmeedkiisa raadsanayay, waxaana meydka ninka la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay mudooyinkii ugu dambeeyay dilal ay ciidanka dowlada u geesanayeen dad shacab ah gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeesata mooto bajaajta, waxaana inta badan baxsaday askarta dilalkaasi geesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo War soo saaray amaana u jeediyay ciidanka ….

Cabdi Cade

Xamse Barre iyo Masuuliyiin kale oo salaada Janaasada ku dukay Meydka Sheekh Caan ahaa

Cabdi Cade

Hoggaamiyihii Ururka Al Qaacida oo la dilay iyo Madaxweyne Biden oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---