Doodda xiiso badan oo dhexmartay  Dowladda & Mucaaradka (wada sheekeysi ama isu-gar-naqsi )

Waa wada sheekeysi ama isu-gar-naqsi ka dhexeeya dowladda & qolyaha mucaaradka ah. Wada sheekeysigani waa mid ka tarjumaya wacyiga & aragtida ay 2-da dhinac kala qabaan.​

Nabad  & Nolol: 2-dii sanno ee la soo dhaafay gacanna waxaan ku xiddido siibnay qabqablayaasha gobolada dalka xoogga ku haystay, ee ka soo horjeeday qaranimada & wadajirka ummadda sida Shariif sakiin & Gaas, gacanta kalenna waxaan kaga shaqeyneynay horumarka dalka, sidda;- sarreynta sharciga, la dagaalanka musuqmaasuqa, meelmarinta hadafka dowliga  ah oo ay ugu horreysay in si dalka mar kale uu cagihiisa isugu taago, in madaxdu ay hormuud u noqdaan dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, si taas loo meelmariyo qorshahaasi iminka waxaa gabagabo ku dhow barnaamijkii is-xilqaan oo aan dooneyno inaan ballaarino, kuna dhisno dhammaan hay’adaha dowliga, marka shacabku yeeysan dheg u dhigin iimaan-laawayaasha gumeysi la jirka ah, dowladdu waa guuleysaneysaa Insha ALLAAH, dalkuna wuxuu gaari doonaa isu filnaasho dhan walba ah.​

MUCAARADKA: Waxaan u maleynayaa inaad ilowsan tahay in qarnigani uu yahay kii 21-aad, oo beentii & huuhaa-dii ay dhammaatay, adduunku maanta wax qarsan ma jiro, wax waliba waa in ay cad yihiin, haddii aad wax-qabaneyso haata-burhaanakum. Annagu haddaan mucaarad nahay waxaan ictiqaadsanahay Soomaali iyaga oo aan aqoon idiin laheyn ayeey idin doorteen [Farmaajo & Kheyre], idiinna mashxaradeen, nasiib wanaag 2 sanno kaddib wajigiina dhabta ah ayeey barteen,  waxaase ayaan darro ah in 2 sanno oo maalaa-yacni aad nagaga qaadeen.    Dowlad tiina ka liidata Soomaaliya sooma aysan marin, annaga oo Xassan Shiikh ka argagaxsan oo weli dhaawiciisa la taaheyna ayaad idinka ina soo marteen,  Xassan ayaaba i qarsa noqday [furuq haddii la arko, waraaboow waa fara ka leef], haddii wax yar oo damiir ahi idinku harsan yahay waxaan idin oran lahaa shacabka dhalanteedka iyo beenta ka daaya, haddii kale waxaad taariikhda ka geli doontaan baal mugdi ah.? Miyaad moogtihiin in baahida ugu weyn ee dadku qabo MAANTA  in ay tahay amniga in la sugo, oo aad badbaadiseen nafta muwaadinka.? shacab maalin walba tarab-tarab u dhimanaya, adinkuna aad mas’uul ka tihiin  ammaankooda ayaad dushooda ka dalaaleysaan, oo haddana aad been u sii sheegeysaan isku xishooda. Shabaab ayaa qarxinaya albaabka madaxtooyada oo maalin walba dad shicib ah laynaya adiguna shidaal baad ka hadleysaa.? markaan hab dhaqankiina arko waxaa igu soo dhaco shiribkii ahaa [Nabee mar tuugo waa idiin talee].​

N & N: Shacabku waa fahmeen dhagarta dowlad-diidka & kuwa ay dhibeyso in sharcigii & kala dambeyntii ay soo laabato, ma waxaad dooneyseen dal 27 sanno  burbur iyo basanbaas ku jiray inuu 2 sanno gudahood aan wax walba si dhammeystiran ay u hagaagaan oo dalka Japan oo kale aan noqono. Soomaalidu waxeey tiraa: [maja dhooqo midba bar baa la siibaa], ha iloobin in shalay aan aheyn ummad ay hogaankeeda hayaan kuwa shisheeyaha u kaba qaada, maanta  waxaa dalka madaxda ka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Xassan Cali Kheyre oo soo celiyey qabkii & isla weynidii Soomaalida, ammaanka aad ka hadleyso farahaa lagu hayaa shabaab dalka oo dhan buu haystaa, dowladdii lafteeduu ku dhex jiraa in laga adkaado waqti ayeey u baahan tahay, dowladduna goor dhow waxeey billaabi doontaa wacyigelin, teeda kale, mucaaradka waxaa laga doonayaa in aysan sidii mucaaradka dunida oo kale ee dalalkoodu nabad yihiin u fikirin, ayna ogaadaan in dalkeenu  ka soo kabanayo burbur dhan walba ah, oo ay ugu weyn tahay mid maskaxeed, waayo waxaa maskaxda dadkeena jug weyn gaarsiiyey qabyaalad, mucaaradku ha ka fogaadaan in ay bulshada qabyaalad ku kiciyaan, haddii ay taasi dhacdo dowladdu waajibaadkeeda ayeey gudan doontaa.​

MUCAARADKA: Xoogga aad mucaaradka ugu hanjabeyso maad shabaab kula dirirtid.? mucaaradku waxeey u joogaan in ay ummadda aad beenta u sheegeysaan hortooda idinku qaawiyaan bes! oo ay tusaan wejigiina dhabta ah [(NINKA DHUUMANAYEE DHABARKU MUUQDOW DHULKU WAA DHARAR], aaway balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa 2 sanno ayaan shabaab kaga adkaaneynaa.? aaway boqolkii balanqaad ee aad sameyseen.? ma waxaad dooneyseen inaan idiin sacbino, adeer waxaan idiin sheegayaa dowladda dhabta ah waa shacabka, waa indheer-garadka, waa culimada, waa haweenka, waa dhalinyarada, waa aqoonyahanada, idinku waxaad tihiin shaqsiyaad nasiibku u saamaxay in shaqaale dowladdeed noqotaan, haddaad balantii aad qaadeen ka soo baxdaana hagaag, haddii kalena ummadda hortooda ayaa la idinku fadeexeynayaa.​

N & N:  Mucaarad baa la noqdaa ayaa la maqlay markaas ayaanan waxba laga aqoon xeerka mucaaradnimada, qofka aan xishooneyn ma jirto xakame qabanaya, anigu idinka mucaarad idinkuma tilmaami karo waxaan idinku tilmaami karaa burcad iyo mooryaan u hanqal-taageysa xaaraantii ay 2 canleyn jireen & tubbooyinkii ay dhuuqi jireen oo ay dowladdu  ka hor-istaagay, ma waxaa mucaarad la dhihi karaa ragga buuqa & qeylada billaabay markii madaxweynihii la doortay isaga oo aan la dhaarin, ee aan waxba xeerineyn xittaa ka hadlaya labbiska & shaaha uu madaxweynuhu cabayo iyo gacanta uu shaaha ku cabayo.? ma kuwaas ayaa mucaarad lagu tilmaami karaa.? waxaad kufsateen mucaaradnimadii, dowladdu waxeey idin soo jeedineysaa jaalayaal inaad dadkiina dhinac ka raacdaan haddii kale xabsiga 20 jiroow iyo gaal shire ayaa idin yaqaan.​

​La soco qeybaha dambe​ Insha Allah

Qore :-Abdirahman M Hussein
London-UK
https://www.facebook.com/mamaan82

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -