Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

War  kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka booliiska uu goordhaw xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah.

Askariga ayaa la sheegay in rasaas ku dhuftay wiilka dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Suldaan Ismaaciil Shuu, waxaana ninkan la sheegay in uu kamid ahaa dadka caanka ka ah degmada Dharkeenley.

Sida aan wararka ku heleyno askariga dilka u geestay wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska oo wada baaritaano ku aadan dilka iyo gacan ku dhiiglaha baxsaday.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili ciidamo badn oo booliis ah lagu soo daadiyay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho, ciidankan ayaana loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka shacabka balse mararka qaar ciidankan ayaa shacabkii ay ilaalin lahaayeen dil u geesta.

 

Related posts

Madaxtooyada Somalia oo bilowday qorshe yaab leh iyo qaraxii ka dhacay Tixsiile oo..

Caydiid Ali

Shacabka Muqdisho oo Fariin u diray Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Nin mindi ku hubeysan oo dil iyo dhaawac u geestay dad Israa’iiliyiin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---