Maxaa ka soo baxay kulan Madaxweyne Biixi la qaatay RW ku-xigeenka Imaaraadka? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  dalkaas Zayed bin Khalifa Al-Nahyan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlayn xoojinta xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland xili ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii dekada Berbera.

Waxay sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen mashaariicda dhaqaale, bani’aadanimo iyo horumarineed ee Imaaraadku ka fuliyo Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku qoray in kulankaas looga hadlay arrimo la xiriira Imaaraadka iyo Somaliland kaliya.

“Kulankeena waxaa uu ahaa mid aan uga wada hadalnay wadashaqeynta labadeena iyo sidii loo xoojin lahaa oo ujeedka safarkeena ee imaaraadaka uu ku qotomay, waxaana uu ku dhamaaday is-afgarad” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay qabka wakaalada wararka ee dalka Imaaraadka Carabta uga hadashay warkan, waxaana wakaaladu ay ku tilmaantay Somaliland dal ay saaxiibo yihiin Imaaraadka, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan xiliga uu Imaaraadku dal u aqoonsaday Somaliland oo caalamku u arko qeyb ka mid ah Somalia.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa safar deg deg ah ku tegay Magaalada Abuu Dubai ee Wadanka Imaaradka Carabta, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ansixiyeen Xeer dalka looga mamnuucay Shirkada DP World.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -