Maxaa ka jira in Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ka qeyb galayo shirka Garowe?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, isagoo ka mid ahaa wafdigii la socday Madaxweyne Farmaajo ee tegay magaalada Garowe oo shir uga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka.

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka oo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland ayaan lagu casuumin maamulka Gobolka Banaadir oo hore uga qeyb geli jira shirarkii Amniga, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka qeyb galo shirka, qeybna ka noqdo arrimaha masiiriga ah ee looga hadlayo shirka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo uu la yeeshay madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada ayaa isna ka dhaadhiciyey inuu shirka ka qeyb galo guddoomiyaha Gobolka banaadir.

Qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka biyo diiday in Yariisow uu ka qeyb galo shirka hase ahaatee dood dheer kadib waxaa la ogolaaday inuu shirka Garowe uu ka qeybgalo.

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galka maamulka Gobolka Banaadir ee shirka Garowe ka dhigtay arrin lagama gudbaan ah, iyadoo tani ay xoojineyso taageerayaasha dowladda Federaalka ee shirka oo hadda noqday labo maamul goboleed iyo gobolka Benaadir, taasoo xoojineysa miisaanka ay shirka ay kaga qeyb galayso si ay uga hortagto culeysyada siyaasadeed ee kaga imanaya dowlad goboleedyada diidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -