Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre oo Muqdisho ku soo gebagebeeyey Shirkii culimada Soomaaliyeed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirwaynaha culimada Soomaaliyeed oo mudda sedax maalin ah ka socday Muqdisho.

Khayre ayaa khudbadiisa soo xiritaanka shirwaynaha ku sheegay in culimada, shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaanka dalka laga doonayo inay dhaqan geliyaan natiijada kasoo baxday shirkan oo intii uu socday looga dooday kaalinta culimada ee xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa culimada kula dardaarmay iney si wadajir ah cilmigooda ay ugu hagaan bulshada si looga hor tago dhagarta wax uu ugu yeeray argagaxisada.

Kheyre ayaa culimada Soomaaliyeed ka dalbaday inay ka shaqeeyaan horumar ka dowladnimada iyo isku soo dhawaashaha umada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ragii kufsiga iyo Dilka u geestay Caaisho Ilyas oo saakay mar kale Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya IGAD oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xubin katirsan Al Shabaab oo la qabtay xilli uu garoon Diyaaradeed ka safrayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---