Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw oo barqadii ah qof shacab ah ku dilay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Askariga iyo ninkan uu dhaxmaray muran, ka dibna rasaas lagu furay markii uu la soo baxay toorey uu ku weeraray askariga

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la dilay ee tooreyda ku weeraray askariga uusan maskax ahaan fayoobeyn.

Meydka ninkan la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday dad goobta ka dhowaa, iyadoo dilalka shacabka ay ku soo kordhayeen magaalada Muqdisho mudooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Sawirro) Deni oo shir deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib xilka qaadistii C/samad Galan

Caydiid Ali

Ra’isul Rooble oo goobjoog ka ah Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada aqal (Sawirro)

Cabdi Cade

Golayaasha federaalka Miyaa leh awooda sharci-dejinta dalka? Mise dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---