Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Garoonka Jaamacadaha oo soo dumay iyo Khasaaro ka dhashay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta soo dumay qeyb kamid ah dhismaha garoonka Kubadda cagta Jaamacada ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay dhismaha garoonka Jaamacadaha ee soo dumay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay hal qof oo kale oo loola cararay mid kamid ah isbitaalada magalaada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay darbiga qeybta VIP-da ay fariistaan dadka masuuliyiinta ayaa soo dumay, waxaana goobtaasi duntay la sheegay in ay ka socotay dib u dhis , dadka waxyeelada kasoo gaartay ayaana ahaa dadkii dhismaha ka shaqeenayay.

Darbiga qeyb kamid ah Garoonka kubada cagta ee Jaamacadaha ayaa kal hore sidan oo kale usoo dumay, mana jirin wax khasaaro ah oo xiligaasi ka dhashay darbiga garoonka ee soo dumay.

Garoonkan oo kuyaala degmada Hodan ayaa lagu dhisay dhaqaale ay bixisay Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA, garoonkan ayaana ah kan labaad ee lagu ciyaaro tartamada iyo sidoo kale horyaalada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Xeer hoosaadka Golaha shacabka Somalia oo wax laga bedelayo

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo godkiisa biyo ugu soo galeen & danjiraha UK oo digniin soo saartay

Caydiid Ali

Safar ay saakay Baladweyne ku tagi lahaa Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo baaqday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---