(Sawirro) Dowlada Somalia oo dalab culus hordhigtay hey’adaha Maalgashiga dalka Kuwait

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Arbaco ah, kula kulmay Caasimadda Kuwait ee dalka Kuwait madaxda fulinta, agaasimayaasha guud iyo mas’uuliyiinta sare ee hey’adaha maalgashiga iyo kuwa horumarinta ee Kuwait si ay Soomaaliya uga hirgeliyaan mashaariic horumarineed iyo maalgashi oo kala duwan.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Mudane Bader Mohammed Al Sa’ad, Guddoomiyaha Golaha Maamulka Sanduuqa Carbeed ee Horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada, Mudane Marwan Abdullah Al-Ghanim, Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carbeed iyo Mudane Badr Al-Ajeel, Siihayaha Maamulka Hey’adda guud ee Maalgashiga, waxa uu ku booriyay in ay maalgeshi ku sameeyaan Soomaaliya, una soo diraan shirkadaha waaweyn ee Kuwait dhinaca maalgashiga si ay uga hirgeliyaan dalka mashaariicd horumarineed oo ah kuwii ugu dambeeyay dunida ee casriga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan bikro ah oo hodan ku ah kalluunka, macdanta, shidaalka, xoolaha iyo dhul ku haboon beerashada, ayna u furan tahay maalgashi shisheeye dhammaan qaybaha oo leh iskaashi wax-ku-ool ah, oo ay ku jiraan warshadaha, korontada biyaha laga dhaliyo iyo guryaha deegaanka ah ee hantida ma guurtada ah ee loo yaqaan “real estate”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay xiriir iskaashi la yeelato hey’adaha maalgashiga iyo kuwa horumarinta ee Kuwait si ay u noqdaan bah-wadaagta ugu muhiimsan Soomaaliya xagga horumarka iyo inay kaalin muuqata ka qaataan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya iyadoo la maalgelinayo mashaariicda horumarineed ee dowladda u leh mudnaanta koowaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -