Ra’isul Wasaare  Kheyre oo loogu baaqay in uu si deg deg ah isku casilo

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre in uu si deg deg ah isku casilo , waxa Xildhibaanka shegay in Kheyre ku fashilmay sugida amaanka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Ra’iisul Wasaare Khayre  gef  wayn u geystay Ciidamada ammaanka iyo saraakiisha Ciidamada qalabka sida, waxa uu sidoo kale sheegay in uu dayacay kuna guuldaraystay in uu daryeelo ciidamada xaliyana mushaarkoodii iyo raashinkaba.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur soo saaray

Waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in uu si deg deg ah isag casilo xilka maadaama uu ku fashilmay sugidda Amniga dalka!

Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa uu gef aad u wayn u geystay Ciidamada ammaanka iyo saraakiisha Ciidamada qalabka sida, waxaa uu  dayacay kuna guuldaraystay in uu daryeelo ciidamada xaliyana mushaarkoodii iyo raashinkaba, halka uu ku bixiyay canshuurti dalka qolayaha ku amaana baraha bulashada isaga iyo Xukuumadiisa fadhiidka kana nool facebook oo kaliya, waxaa kale oo loo adeegsadaa Canshuurti dalka ee lagu daryeeli lahaa ciidamada ammaanka qolo u qaabilsan madaxda dalka aflagaadaynta madaxdi hore ee qaranka iyo siyaasiinta runta ka shegta waxqabad yarida Xukuumada Khayre iyo ganacsatada bixisa canshuurta loo adeegsanayo in lagu ijaafeeyo, halka ay ahayd in lagu bixiyo waxyaabaha mudnaanta u leh dalka sida xuquuda ciidamada iyo adeega bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre sanad iyo bar ka hor ayuu Warbaahinta ka sheegay in ay Xukuumadiisu ka dalbatay Dowladda Mareykanka in la’hakiyo kaalmadi ay siin jirtay ciidamada sababo uu ku sheegay in la saxayo nidaamka maaliyadeed ee ciidamada, balse waxaa ay ahayd arin been ah, xaqiiqaduna waxaa waaye in dowladda Mareykanku dhaliishay hannaanka maamul maaliyadeed hay’adaha amaanka ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre.

Haddiiba ay run tahay maxaa loo sixi waayay  mudadi sanadka iyo barka ahayd oo loo diiwaangelin waayay ciidanka ?.

Marna sax ma ahayn in ciidamo furinta ku jira ee dhimanaya, dhaawacmaya laga jaro mushaarka iyo raashinka maadaama Xukuumadu ka gaabisay in la saxo wixi qaldan lana diiwaangeliyo ciidanka

Marna sax ma ahaynin Ra’iisul Wasaare Khayre in saraakiisha ciidamada ku canaanto bulshada horteeda, si cad oo been ahna saraakiisha uga dhigo in ay mas’uul ka yihiin xuquuqda ciidanka ee maqan oo aan loo dhiibin waana arrin iska hor keenaysa ciidanka iyo saraakiisha.

Ciidamada ka soo baxay deegaanka Dhanaane waxaan la wada soconaa in furin dagaal oo dhan walba cadowga Al-Shabaab ka xigo in ay muddo sanad ku jireen, waxaana mudadaas ku dhintay Taliyihi iyo Taliye kuxigeenki, waxaa kale oo ku dhintay Taliyihii lagu bedelay taliyihi hore ee dhintay iyo askar fara badan, waxaana intaas loogu daray in laga jaro, sahaydi, saanadi, mushaarki iyo raashinki abaal marina looga dhigay Ceyr ma bixiso dowladda Soomaaliya, falkaas waxaa lagu tilmaami karaa oo kaliya qiyaano qaran.

Maxaa sababay in ciidadama ka soo baxaan labada shabeelle?

Waxaa loo diray saraakiil iyo kooxo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre oo haysta tacliimaad gaar ah in ay soo tira koobaan, balse sida la soo weriyay waxaa si cad looga been abuuray tira koobka, iyadoo fadhiisin walba ee ciidan kaliya laga soo qaatay 50% halka intii kale oo goob joog ahna lagu yiri ciidan ma tihiin, ujeedaduna waxay tahay in la burburiyo lana kala diro ciidamada naftooda u huray xoreyntii Muqdisho iyo Shabeellooyinka, si cadowgu dib ula wareego dalka, waana dhagar aad u wayn.

Maxay tahay danaha xukuumada Khayre ka leedahay in ay dalka u gacan geliso cadowga?

Waxaa jira heshiisa hoose u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Eritrea oo ah in ciidamada calooshood u shaqaystayaal ah laga keeno dalkaas, iyadoo laga dhigaya marmarsiimo in ay ciidamda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ku fashilmeen sugida aminga dalka, danaha laga leeyahay ciidamadaasna waa in xukunka lagu dheereysto mudada xil haynta Maamulka hada talada hayana uu ku kororsado mudada xil heynta ee marna ma ahan in ammaanka dalka wax laga qabto!

Hadaba waxaan mar kale ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo xukuumadiisu in aanu marna ku hamin meel marinta rabitaankaas shakhsiga oo aan ka turjumayn danaha dalka iyo dadka, kana xishoodo umadda Soomaaliyeed xilkana iska casilo si deg deg ah maadaama ay ku fashilmeen howlihii loo igmaday ammaanka dalkuna ka liito sidi uu ahaa 2011.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in aysan marna aqbalin beenta lagu marin habaabinayo iyo qiyaanada ka turjumaysa danaha shaqsiga ah ee loo maleegayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -