Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo balan-qaad adag u sameeyey qoyska Caa’isha Ilyaas Aadan (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12 jir ah oo dhowaan kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Saciid Deni ayaa u sheegay qoyska caaisha sida uu uga xun yahay dhibaatada gabadhooda gaartay, isagoo mar kale uga tacsiyadeeyey gabood falka lagula kacay.

Wuxuu sheegay in  kiiskaas dad badan loo soo xirxiray, ayna socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada amniga kuwaasoo uu xusay marka la soo gebegebeeyo in Maxkamad la soo taagi doono cid kasta oo dembigaas uu ku cadaado.

Madaxweyne Deni ayaa balan-qaaday in Caa’isha ay heli doonto cadaalad, aysana jiri doonin in la daboolo kiiskan, wuxuuna xusay in isagu ka madaxweyne ahaan uu dusha kala socon doono kiiskan inta laga soo gebagebeynayo.

Ehelada caa’isha ayaa madaxweyne Deni uga mahad celiyey taageerada iyo isgarab taaga uu u muujiyey, iyagoo sheegay iney ku qanacsan yihiin sida laamaha amaanku u wadaan baaritaanka kiiskan.

?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir kale oo deg deg ah loogana hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la qabanayo

Cabdi Cade

Mahdi Mohamed Guuleed oo kormeeray dekeda Muqdisho & Xarumo Wasaaradeed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shir ay isugu yimadeen dowlada Somalia & beesha caalamka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---