Waa sidee xaalada Boosaaso oo Maalmihii la soo dhaafay dagaalo culus marti gelisay ?

Xaalada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa saaka degan ka dib markii ay ka dhaqan gashay xabad joojin la dhex-dhigay Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF oo bartamaha magaaladaas ku dagaalamayey 3-dii cisho ee la soo dhaafay.

Isimada Puntland ayaa la sheegay iney mar kale ka shaqeeyeen xabad joojinta iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciidamada Puntland intooda badan laga saaray aagaga dagaalka.

Waxaa si gaabis ah ku soo laabtay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee Magaalada Boosaaso inkastoo dadkii magaalada ku noolaa qeyb ka mid ah ay ka barakaceen dagaalka.

Salaadiinta Puntland ayaa sheegay inay rajeynayaan in nabadayntu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gasho, ayna ku dedaalayaan sidii loo heli lahaa xal kama dambeys ah oo dagaalka lagu soo afjarayo.

Ku 40 qof ayaa ku naf waayey, in ka badana 100 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalka saddexda cisho ka socday Boosaaso oo sidoo kale geystay khasaare oo leh burbur iyo barakac xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -