Cudurka Caronavirus oo loo helay daawo dhaqmeed muran dhalisay iyo dad isticmaalay oo…

Khubarada Caafimaad ee caalamka ayaa wali ku mashquulsan helida daawo wax ka tareysa cudurka dadka badan dilay ee Caronavirus, walina laguma guuleesan in la helo daawo rasmi ah uu leeyahay cudurkan.

Dalka Madagaskar ayaa soo saaray daawo dhaqmeed muran badan dhalisay oo la sheegay in ay daaweeneyso cudurka Caronavirus, waxaana daawadan si weyn hada u istimaala dadka uu cudurka carona kula dhacay dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Madagaskar ayaa horey u sheegay in daawo dhaqmeedkan ay u fiican tahay cudurka Caronavirus, waxa uuna hada cadeeyay in bukaano uu ku dhacay cudurkan oo qaatay daawada ay ku bogsadeen.

 

“Bukaannadii Covid19 ee qaaatay dawadan oo markii hore lagu daweyn jiray Maleeriyada ayaa ku soo bogsaday todoba maalmood ka dib markii ay billaabeen qaadashadeeda”, ayuu yiri madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina

Dowlada Madagaskar ayaa bilowday in dadka u qeybiso daawadan la sheegay in ay u roontahay cudurka caronavirus, waxaana dowlada ugu baaqday dadka hadii ay isku arkaan cudurka Caronavirus in daawadan isticmaalaan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aysan wali jirin dawo rasmi ah oo loo helay cudurkan, waxa ayna hay’adda ka digtay isticmaalka daawooyinka aan la xaqiijin waxtarkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -