Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC.
Waxa uu iscasilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad uu xalay shacabka uga jeediyay taleefishinka.
Zuma ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaasoo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.
Sababta ugu weyn ee Zuma loogu qasbay inuu xilka ka baneeyo sumcadiisana dhaawacay ayaa waxay tahay eedeymaha iska soo daba dhacayey oo sheegayey in qoyska reer Gupta ee maalqabeenka Hindida ah, in dowladda ay ka heleen qandaraasyo iyo qeyb ka ahaanshaha magacaabista xubnaha dowladda, maadaama ay la leeyihiin galaangal culus iyo xiriir madaxweyne Zuma.
Inkastoo ay Madaxweyne Zuma iyo qoyska reer Gupta iska fogeeyeen eedeymaha loo soo jeediyey, haddana sheekada iska soo daba dhaceysa ee ah in dowladda ay gacanta ku hayaan reerkaasi marna ma joogsan.
Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la dagaalanka dambiyada ee Hawks loo yaqaano ee dalka Koonfur Afrika ayaa aroornimadii shalay weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku leeyahay Mr Gubta oo saaxiib dhow la ah Zuma.
Waxay ciidanka baarayaan eedeymo la xiriira in Mr Gupta uu dowladda madaxa ka qabsaday isagoo aanan ka mid ahayn, isla markaasna xitaa mararka qaarkood magacaabayay xubnaha golaha wasiirada qaar si uu danihiisa ugu fushado.
Illaa 3 qof ayaa illaa iyo hadda lasoo xiray , oo uu ka mid yahay mid ka mid ah ragga la dhashay Atul Gupta.
Qoyska Gupta ayaa intii muddo ahba waxaa lagu eedeynayay in saaxiibtinimada kala dhaxaysa madaxweyne Zuma awgeed ku heleen lacago badan si musuqmaasuq ah, islamarkaasna u yeesheen saamayn siyaasadeed oo aanan caadi ahayn.
Qoyskan ayaa sanadkii 1993-dii kasoo haajiray dalka Hindiya, yimidna Koonfur Afrika, halkaasoo ay ka hirgaliyeen ganacsiyo badan.
Ganacsiyada ay leeyihiin waxaa ka mid ah godadka macdanta laga qodo, gaadiidka cirka, tamarta, saxaafadda, iyo waliba shirkad tiknoolajiyadda ah.
Waa saddex wiil oo wada dhashay, waxa lagu kala magacaabaa Atul, Rajesh iyo Ahay. Waxaa aad loogu yaqaanaa saaxiibtinimadooda Zuma.
Waxyaabaha aadka loo tabiyay waxaa ka mid ah in aroos loo dhigay gabar uu midkood dhalay in lagu galbiyay baabuurta dowladda, isla markaasna diyaaradihii siday dadkii kasoo qeybgalay xafladda in laga soo dajiyay garoonka militariga ee Waterkloof ee Pretoria, halkaasoo ay mamnuuc tahay in dad shacab ah isticmaalaan, laguna xifdiyay xeer baarlamaanka uu meelmariyay oo la yiraahdo (National Key Points Act) kaasoo ka hadlaya goobaha dowladda ee aadka muhiimka u ah, sirta qarana ah sida Madaxtooyada iyo garoonkaas.
Waxaa kale oo reerkan lagu heystaa in wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyadda Mcebisi Jonas sanadkii 2016 ay reer Gupta u yabooheen inay siinayaan $50 milyan oo doolar , kadibna ay ka dhigayaan wasiirka Maaliyadda, waa haddii uu iyaga u hoggaansamo.
Waxaa xigay in warbixin hay’ad dowli ah oo madax banaan ay soo saartay, taasoo lagu sheegay in reer Gupta iyo Zuma ay ka wada shaqeeyeen sidii ay u heli lahaayeen qandaraasyo dowladeed si sharci darro ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com