Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil saakay loo geestay Sargaal katirsanaa …

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay xaafad katirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha ciidanka dowlada gaar ahaan Asluubta.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in rag hubeesan oo kooxdooda katirsan saakay dileen sargaalkan katirsanaa ciidanka Asluubta, waxaana si nabad galyo ah u baxsaday ragii dilka sargaalkan fuliyay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Milatariga Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta lagu dilay ninkan la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha ciidanka, waxa ayna ciidanka halkaasi ka sameeyeen howlgalo.

Al Shabaab ayaa kordhisay dilalka ay ka geesato degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna Degmada Afgooye u muuqataa mid uu sii xumaanayo amaankeeda kadib dilal kala duan oo mudooyinkii laoo dhaafay ka dhacayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin si adag uga hor yimid in Doorashada Kursigii loo diiday Fahad Yaasiin loo soo wareejiyo Muqdisho

Cabdi Cade

Dagaal aan horey loo arag oo baraha bulshada ku dhexnaray Erdogan iyo Netanyahu

Caydiid Ali

Maxaad kala Socotaa Farqiga u dhaxeeya Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---