Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax gaari hoosta looga soo xiray ayaa saakay ka dhacay laamiga hor mara daarta Saybiyaano ee degmada Hodan, waxaana la sheegay in qaraxan uu ka dhashay khasaaro dhimasho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa gaari nuuca loo yaqaan Kaarib oo ay ku buufsan tahay calaamada booliiska loogu xiray Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo gaarigaasi watay.

Ina la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay sargaalkan watay gaariga booliiska ee qaraxa hoosta looga xiray, lamana oga wali in qaraxa uu waxyeelo kale gaarsiiyay dad shacab ah oo ka agdhawaa.

Ciidamo katirsan booliiska oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa goobtaasi soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen meydka sargaalka oo ahaa nin si wen looga yaqaana aaga Saybiyaano.

Qaraxyada baabuurta lagu soo xiro ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxadan badanaa uu khasaaro dhimasho ama mid dhaawa uu gaarsiiyaa qofka wata gaariga lagu soo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo taageertay codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka (Sawirro)

Cabdi Cade

 Odayaal iyo Haween Xildhibaano doortay oo cafis loo fidiyay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii fuliyay Qarax Khamiistii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---