Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Al Shabaab oo War kasoo saartay Dilkii saakay loo geestay Paul Anthony Fermosa

Nin hubeesan oo la sheegay in uu iska soo dhigay kaluumeesato ayaa saakay gudaha dekadda magaalada Boosaaso waxa uu ku toogtay Madaxii Mashruucda DP World ee Dekeda Boosaaso Paul Anthony Fermosa.

War goordhaw kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dilkaasi iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna Shabaab sheegeen in dilkaasi uu fuliyay dagaalyahan kooxdooda katirsan .

Afhayeenka dhinaca howlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Al Shabaab masuul ka aheyd dilka saakay dekada Boosaaso loogu dhax geestay Madaxii Shirkada DP World.

Waxa uu sheegay Afhayeenka  in howlgalkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha Shisheeye uu sheegay in ay doonayaan in ay boobaan  kheyraatka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed .

Ciidamada ilaalada Dekadda Boosaaso ayaa dhankooda toogasho ku dilay ninkii hubeesnaa ee dilka u geestay Madaxii mashruucda Dekadad Boosaaso ee Shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Bandhig Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Munaasabad Xil wareejin ah oo maanta ka dhacday xarunta Aqalka Sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Caabudwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---