Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oon wali la ogeyn waxa loo adeegsaday uu ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir  gaar ahaan qeybo katirsan Moolka Weyn ee Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay halka laga soo galo  Moolka Muqdisho oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka Banaadir, lamana oga in bartilmnaameedka uu yahay xarunta Ganacsiga ee Muqdisho iyo in kale.

Khaasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw ka dhacay Xamar Weyne, waxaana goobta qaraxu ka dhacay xiray ciidamada booliiska.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -