Wararkii Ugu Dambeeyay Dabkii caawa ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha

Waxaa caawa dab uu qabsaday dhisamayaal kuyaala Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan dhinaca Bacadlaha, waxaana dabkan ka dhashay khasaaro Maaliyadeed oon sidaa u badneyd,

Goobjooge ayaa noo sheegay in Dabka uu qabsaday labo dhismo oo kuyaala Suuqa Bakaaraha, waxaana si deg deg ah loogu guuleesytay daminta dabkaasi si uusan ugu sii fidin qeybaha kale ee Suuqa Bakaaraha.

Boqolaal dadweyne oo u badnaa dad ganacsiyo ku leh Suuqa Bakaaraha ayaa buux dhaafiyay aaga uu dabku qabsaday, waxa ayna dadku aad uga wal walsanaayeen in dabku kusii fido qeybo badan oo Suuqa kamid ah.

Dabkan caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaan wali la ogeyn waxa sababay, waxaana inta badan dabka qabsada Suuqa Bakaaraha la sheegaa in ay ka dhashaan Koronto iyo sidoo kale dab.

Bishii hore ee Janaayo ayey aheyd markii dab xoogan oo dhaliyay khasaaro badan uu qabsada qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha, dabka ka kaca Suuqa Bakaaraha ayaana noqday mid marar badan soo noq noqday oo xal laga gaari waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -