Dab xoogan oo goordhaw ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in dab uu goordhaw ka kacay qeybo kamid ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Sida aan Wararka ku heleyno dabka ayaa qabsaday dhisamaaal kuyaala Suuqa Bacadlaha  gaar ahaan bakhaaro lagu iibiyo kobaha iyo dhirka , waxaana laga cabsi qabaa dabka oo goordhaw kacay in uu sii fido.

Dad badan oo suuqa ganacsiyo kala duwan leh ayaa bilaabay in ay aadaan Suuqa si ay usoo bad baadsadaan hantidooda ama u ilaashadaan, waxaana sidoo kale Suuqa kusii qul qulaya gaadiida dab damiska.

Waxaa hada socda dadaalo lagu daminayo dadbka oo qabsaday labo dhismo, waxaa sidoo kale aaga gubaya gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya si ay amaanka suuqa u ilaaliyaan.

Bishii hore ayey ahed markii dab sidan oo kale oo baabi’iyay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha, lamana oga waxa dhaliay dabkan mar kale qabsaday maalmo gudahood Suuqa Bakaaraha.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -