Guddoomiyihii guddiga xallinta khilaafaadka oo ka hor yimid xilka qaadistii Rooble

Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya, Xuseen Maxamed Maxamuud Laki, ayaa ku gacan sayray xilka qaadistii uu Ra’iisal wasaare Rooble ee xubno ka mid ah guddigaas oo isagu uu ku jiray.

Xuseen Laki, ayaa tallaabada Ra’iisal wasaaraha ku timaamay mid sharci darro ah oo uusan xaq u lahayn in uu guddigaas xilka ka qaado.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa sheegay in muddadaanba uu Ra’iisal wasaaruhu ku cadaadinayey in wuxuu rabo loo sameeyo, asagoo sheegay in markii ay iska diideen waxyaabaha qaar sidaas xilkii looga qaaday.

“Waxaan u arkaa go’aan sharci darro ah oo qar iska tuurnimo ah oo aan meelna ka soo gelin habraaca doorashooyinka iyo nidaamka aanu ku shaqaynaynno” ayuu yiri Xuseen Laki.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii  ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda  isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa  doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -